11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 7 , 2024
Guddigii soo diyaarin lahaa xeerarka Doorashooyinka Soomaaliya oo lamagacaabay
 

Khamiis, November, 7, 2024 (HOL) - Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi Kumeel gaar ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka kaasoo u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha.

Guddigaan ayaa ka kooban 15 xubnood sida lagu shaaciyay magacyadooda wareegto ay kuwada saxiixan yihiin Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe iyo Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi.

Tani waxa ay ka dambeeysay kadib maalma ka hor markii uu Baarlamaanka hortagay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana codsaday inay mudanayaasha labada aqal ay ogolaadaan in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah sida kuxusneeyd wa murtiyeedkii Shirka madashada.

Qeybtaan hoose ka akhriso magacaabista Guddiga, Howshoodi iyo magacyada xubnaha ugu kala jira Golaha Shacabka iyo Aqalka sare:-