11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2024
Sheybaar lagu hubinaayo caafimaadka Kalluunka laga soo saaro Soomaaliya oo Muqdisho laga hirgaliyay
 

Jimco, November, 8, 2024 (HOL) - Ganacsato Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho waxa ay ka hirgaliyeen sheybaarka Kalluunka kaa oo shaqadiisa ay noqon doonto hubinta tayada iyo caafimaadka Kalluunka ee gudaha dalka iyo kuwa dibadda loo dhoofiyo taas oo qeyb ka qaadaneysa horumarinta kalluumeysiga qaranka.

Munaasabad kooban oo xarig jar loogu sameeyay Sheybaarkaan maanta laga hirgaliyay magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan oo uu wehliyay wasiirka Wasaaradda Arirmaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi waxaana ay ahaayeen mas'uuliyiintii lagu caasuumay inay xariga ka jaraan Sheybaarkaan Kalluunka.

Madaxdii ka qeyb gashay madashii xarig jarka Sheybaarkaan ayaa dhamaantoodi amaanay tallaabadaan iyagoo bogaadiyay hal abuurkaan hirgalintiisa oo wax badan ka qaban doona tayada Kalluunka laga soo saaro badda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan oo munaasabadda furitaanka hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in wasaaradu ay garab taagan tahay ganacsatadaan latimid fikirkaan.

"Sheybaarkaan waxa uu ka shaqeyn doonaa hubinta tayada iyo caafimaadka Kalluunka ee gudaha dalka iyo kuwa dibadda loo dhoofiyo, kuwaas oo kamid ah waxyaabaha uu baahida weyn u qabo dalkeennu." ayuu yiri Wasiir Axmed Xassan Aadan.

Sheybaarkan ayaa qeyb ka noqon doona dhiirigalinta Kaluumaysiga cusub waxay noqon doontaa dhismo muhiim ah oo taageeraya horumarinta kaluumaysiga waara, iyadoo bixineysa khibrad iyo tababarro horumarsan oo loogu talagalay kaluumaysatada Soomaaliyeed.