11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2024
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay waxa ay yihiin Soomaalida Germany laga soo celinayo
 

Jimco, November, 8, 2024 (HOL) - Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada Soomaaliya Cali Cumar Cali Balcad ayaa ka hadlay arrimo maalmihii lasoo dhaafay la isla dhex marayay oo quseeya soo celinta Soomaalida Qaxootiga ku ah dalka Germany.

Cali Balcad waxa uu sheegay in Soomaalida lasoo celinayo ay yihiin kuwa dambiyo kala duwan kagalay wadanka Germany sida dil iyo kufsi kuwaasi oo maxkamad ay xukuntay.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibada Cali Cumar Cali Balcad waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladaha Soomaaliya iyo Germany ay ku heshiiyeen in 20kaasi qof ee xukunada dhameystay in dib loogu sooceliyo Soomaaliya ee kuma jiraan 80ka kun ee Soomaalida Qaxootiga ku ah wadankaasi.

Cali Balcad waxa uu wareysi siiyay VOA laanteedi af Soomaaliga, waxaa wax laga weydiiyay dad dambiyo khatar ah sida dil iyo kufsi dibadda ka geeystay sida ay dowladda Soomaaliga u keeneyso gudaha wadanka.

Wasiir Cali waxa uu sheegay inay mari doonaan nidaamka garsoorka dalka, waxaana Dowladda ay baaritaan ku sameeyn doontaa in 20kaasi ay yihiin Soomaali maadama wadamada jaarka la ah Soomaalida muwaadiniintooda qaar ay sheegtaan inay Soomaali yihiin markeey Yurub tagaan oo sidaas isku dhiibaan, waxaa uu sidoo kale sheegay inay xaqiijin doonaan hadii ay yihiin kuwa galay dambiyada lagu xukumay.

Dhowaan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud ayaa booqasho ku tegey dalka Jarmalka, halkaasi oo uu kula kulmay hogaamiya dalka Jarmalka Olaf Scholz.

Xasan Sheekh iyo Scholz ayaa kawada hadley arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii Soomaaliya dib loogu celin lahaa muwaadiniin Soomaali ah oo dalka Jarmalka ku sugan, balse arrimahasi ayaa baraha Bulshada siyaabo kala duwan waxaa looga bixiyay fasiraado kala duwan.