11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 9 , 2024
Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay inay baaritaan ku sameyso dilka saxafiyad Amuun Cabdullaahi Maxamed

Sabti, November, 9, 2024 (HOL) - Shabakadda caalamiga ah ee IPI ayaa si xooggan u cambaareysay dilka saxafiyadda Soomaali-Swedish-ka ah, Amuun Cabdullaahi Maxamed, taasoo 18-kii Oktoobar lagu dilay degmada Afgooye.

IPI ayaa qoraal ay soo saartay kaga codsatay dowladda Soomaaliya in ay baaritaan dhab ah ku sameyso dilkeeda iyo in lala xisaabtamo dhammaan dambiilayaasha ka dambeeyay falkaas foosha xun.

Amuun Cabdullaahi Maxamed, waxa ay ahayd weriye ku caan baxday soo bandhigida falalka xag-jirnimada iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab. Waxay dabagal ku sameysay oo ay ogaatay sida ay sheegtay IPI, in Shabaabku dhalinyaro ka qorteen Stockholm.

Markii ay Soomaaliya kusoo laabatay waxay degaanka Cabdalle Biroole, oo ka tirsan degmada Afgooye, oo 40-km koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho, ka sameysatay beer ay maalgashi ku sameysay ka hor inta aan la dilin.

"Aad baan uga xunnahay dilka wariye Amuun Cabdullaahi Maxamed, waxaana dalbanaynaa baaritaan dhab ah oo madax-banaan iyo sidoo kale in maxkamad lasoo taago dambiilayaasha," Nompilo Simanje, oo ah u qareeme katirsan IPI, ayaa yiri.

Suxufiyiin badan ayaa lagu dilay Soomaaliya sababo la xiriira shaqadooda, qaar kale oo badan ayaa la kulma hanjabaad, jirdil iyo xarig sharci darro ah.

Waa wariyihii labaad ee sanadkan gudihiisa lagu dilo gudaha Soomaaliya. Cabdikariin Axmed Bulxan oo ka tirsanaa Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, ayaa lagu dilay degmada Cabudwaaq 13-kii bishii March.