1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 25, 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh: Soomaaliya waxay hadda gelaysaa marxalad muhiim ah oo u baahan maalgashi la taaban karo
 

Jimco, October, 25, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa galabta si weyn usoo dhoweysay markabka sahminta ee ORUC REIS oo ah markab casri ah oo laga leeyahay dalka Turkiga, kaasi oo lagu wado inuu xeebaha Soomaaliya ka bilaabo sahamintii ugu horraysay oo lagu baarayo shidaal iyo Gaas.

Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo ka qeyb galay xafladda lagusoo dhoweynaay markabkan ayaa sheegay in dhacdadani ay tilmaan u tahay socdaalka Soomaaliya ee ku aaddan ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda dabiiciga ah si ay u horumariso dhaqaalaheeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay xafladda soo dhaweynta Markabka, ayaa mahad celin ballaaran u jeediyay dowladda Turkiga, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

"Soomaaliya waxay hadda gelaysaa marxalad muhiim ah oo u baahan maalgashi la taaban karo si aan dib ugu dhisno qarankeenna," ayuu yiri Madaxweyne Maxamuud.

“Turkiga iyo Madaxweyne Erdogan waxay heshiis muhiim ah la galeen dowladda Soomaaliya, kaas oo fududeynaya imaanshaha markabkan cilmi baarista ee Dekedda Muqdisho," ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha.

Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar oo ka qeyb galay soo dhaweynta markabka ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Turkiga in uu taageero rabitaanka tamarta Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa bishii Luulyo 2024 kala saxiixday heshiis ballaaran oo Sahminta iyo Soo saarista Hydrocarbon, kaasoo u oggolaanaya shirkadaha Turkiga inay sahamiyaan oo ay soo saaraan batroolka saddex baloog oo xeebaha Soomaaliya ah.