11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2024
Madaxda sare ee Hay'addaha Amaanka oo ka qeyb galay howlgalo lagu xaqiijinaayay Amniga Muqdisho
 

Sabti, October, 26, 2024 (HOL) - Masuuliyiin sar sare oo uu hoggaaminaayay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa Xalay ciidamada xasilinta Caasimadda Muqdisho kala qeyb qaatay howlgalo lagu xaqiijinaayay amniga guud ee Muqdisho.

Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Sirdoonka Qaranka iyo Saraakiil kale ayaa ku wehlinaayay Wasiirka howlgalada safka balaaran ahaa ee Xalay madaxda sare ee hay'addaha amaamka kusoo mareen dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir.

"Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada kala qayb galay socod dheer oo amni xaqiijin ah oo lagu soo maray dhamaan degmooyinka gobolka Benaadir iyo deegaanada dhaca duleedka Caasimadda, iyaga oo u kuur galay hanaanka shaqo ee ciidamadu u gudanayaan waajibaadkooda islamarkaana shacabka ka xog wareystay caqabadaha amni ee ay la kulmaan" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Wasiirka Amniga gudaha iyo Taliyeyaasha ku wehlinaayay howlgalada Xalay ayaa si wadajir u faray Saraakiisha ciidamada iney dardar galiyaan howgalada lagu sugayo amniga magaalada Caasimadda ah Muqdsho.

Madaxda sare ee Hay'addaha amaamka ayaa balan qaaday iney joogteyn doonaan kormeerada ay ugu kuur galayaan shaqooyinka ay hayaan ciidamada ammaanka, si looga hortago dhibaatooyinka dadka reer Muqdisho kasoo gaara falalka amni darada ah ee ka dhaca degmooyinka magaalada Muqdisho.