11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2024
Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo ka hadashay hadal hayan ka dhalatay khariirad lagu faafiyay baraha bulshada
 

Sabti, October, 26, 2024 (HOL) - Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa raali-galin ka bixisay khariirad qaldan oo loo isticmaalay xafladdii shalay lagusoo dhoweynayay markabka shidaal baarixsta ka sameynaya xeebaha Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Batroolka iyo macdanta ee dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay inay ahayd cillad farsamo sawirka MAPKA qaldan oo lagu soo bandhigay xafladdii soo-dhawaynta Markabka Oruc Reis.

Wasaaraddu waxay sheegtay in aysan khariiradan wax xiriir ah la lahayn shaqada ay hayso. Waxay kaloo sheegtay in sawirka khariiradan uu yahay mid horey ugu jiray internetka, kaasoo si aan ku talo gal ahayn loogu isticmaalay xafladdii shalay.

“Annaga oo taas ka duulayna, waxaan ka cudur-daaranynaa cilladihii farsamo ee soo baxay intii ay hawshu socotay, oo ay ka mid tahay sawirka qariiddada ama MAP-ka lagu soo bandhigay munaasabaddii soo-dhawaynta Markabka, kaas oo ahaa mid ka yimid dhinaca shirkaddii qaabilsanayd qaabeynta iyo qurxinta muuqaalka xafladda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Wasaaraddu waxay kaloo hadalkeeda ku dartay in shirkadda sameysay khariiradan ay isticmaashay MAP ama jaanjuus aan ahayn midkii saxda ahaa ee ay wasaaraddu la wadaagtay.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa si kulul u cambaaraysay sawir khariiradan oo ay sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay muran ku galisay qeybo kamid ah degaanadeeda oo lagu sheegay kuwa lagu muransan yahay.