Hiiraan Online
11/25/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2024
Xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo maanta isku dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Baay
Axad, October, 27, 2024 (HOL) - Xubnahaan ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47-aad ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ku sugan deegaanka Goof gaduud buureey ee gobolka Baay.
Xubnahaan ka tirsan Al-shabaab ee isku soo dhiibay ah ciidanka xoogga dalka ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Roobow Cabdiyow Xasan iyo Nuurow Tukow Manuur oo mudo ka tirsana kooxda.
Labadaan nin ayaa la tilmaamay iney kasoo qeyb qaateen dagaalo ka dhacay meelo kala duwan oo ka mid ah gobolada dalka, kuwaas oo la sheegay iney tababarada kooxda kusoo qaateen degmada Bu'alle ee gobolka Jubbada Dhexe.
Taliyaha Ururka 47-aad ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ee xoogga dalka Axmed Maxamed Nuur Dhagey ayaa Warbaahita u xaqiijiyay in xubnahaan ay iska soo dhiibeen meel qiyaastii ahaan 18 KM u jirta deegaanka Goof Gaduud Buurey ee Gobolka Bay.
Isa soo dhiibista ragaan ka tirsana Al-shabaab ayaa kusoo aadeysa, iyadoo mudooyinkii dambe ay si weyn u soo kordhayeen xubnaha kasoo goosanaya kooxda Al-shabaab ee isku soo dhiibaya gacanta qeybaha kala duwan ee ciidanka qalabka sida.