11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 27, 2024
Xildhibaan Yuusuf Xasan: Colaadda Soomaaliya iyo Itoobiya waa colaad macmal ah oo laga baaqsan karo
 

Axad, October, 27, 2024 (HOL) - Yuusuf Xasan oo ah xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamukunji ee dalka Kenya, isla markaana ah xubin ka tirsan guddiga difaaca, sirdoonka iyo xiriirka dibadda ee baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in khilaafka Soomaaliya iyo Ethiopia uu noqdo mid si fudud loo xalliyo.

Xildhibaanka ayaa sheegay colaadda Soomaaliya iyo Itoobiya in ay tahay colaad macmal ah oo laga badbaadi karo. Wuxuu Itoobiya ugu baaqay inay ixtiraamto madax banaanida Soomaaliya.

“Haddii ay Ethiopia doonayso in ay Soomaaliya wax la qabato, waa in ay la qabtaa iyadoo ilaalinaysa dawladnimada Soomaaliya ee la aqoonsan yahay,” ayuu yidhi xildhibaan Xasan oo ka hadlayay HornTalk, oo ah fadhi toddobaadle ah oo looga hadlayo siyaasadda Geeska Afrika.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray haddii uu khilaaf dhaco inaysan jiridoonin cid guuleysta. Wuxuu sheegay in colaaddu horseedi doonto burbur labada dhinac ah. wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la helo qaab lagu xalin karo arrimaha la xiriira gelitaanka badda.

Wuxuu sheegay haddii aan wax laga qaban xiisadaha labada dal, in la arki doono xiisad colaadeed oo aan waxyeello u geysan Itoobiya iyo Soomaaliya oo keliya, balse  gobolka oo dhan dhibaato ku ah.