11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2024
Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland oo War Kasoo Saaray Taageerayaal Xisbi oo Hub soo qaatay
 

Talaado, October, 29, 2024 (HOL) - Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa amar ku bixiyay in lasoo xidho taageerayaashii xisbiga Kulmiye ee la arkay iyaga oo hubaysan.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, oo warbaahinta la hadlay ayaa cambaareeyay falka, isaga oo sheegay in lasoo xidhi doono dadka falka gaystay.

"Koomiishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu halkan kasii daynayaa cambaarayn iyo digniin ku socota cidkasta oo sidata astaan xisbi ama urur oo hubaysan, waxaanu halkan kula kulanay jananka booliiska oo aanu u gudbinay dhacdadii dhacday 27, October, 2024" ayuu yidhi Yuusuf.

Koomiishanku waxa ay booliiska ku amreen in baadhis dhamaystiran lagu sameeyo haybta dadkaasi, isla markaana sharciga lala tiigsado, "Waxa aanu si gaar ah digniin ugu diraynaa xisbiga Kulmiye oo ay calankiisa siteen dhallinyarada hubaysan ee kasoo baxay baraha bulshada" ayuu yidhi.

Dhinaca kale, hay'adda sirdoonkanka ee NIA, ayaa dadka qoryaha sitay ku tilmaantay budhcad, waxayna sheegtay in dabagal lagu hayo oo lasoo qaban doono, iyada oo bulshada ka codsatay in ay gacan ka gaystaan soo qabashadooda.