11/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2024
Puntland oo si adag uga hortimid go'aamadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran
 

Khamiis, October, 31, 2024 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay go’aankii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, iyadoo sheegtay in sii kordhinayso hubanti la’aanta ka jirta dalka, isla markaana uu ka hor imanayo dastuurka ku meel gaarka ah ee dawladda Faderaalka  iyo dastuurka dawladdaha xubnaha ka ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada Puntland ayaa lagu sheegay in tallaabada nuucaan ah ay wiiqayso dadaallada socda ee lagu dhisayo dowlad ku dhisan dib u heshiisiin iyo is afgarad.

Sidoo kale, Puntland ayaa taageertay go’aamadii kasoo baxay maamulka Jubbaland, ee uu ku diiday isku day kasta oo lagu kordhinayo waqtiga doorashada si aan sharci ahayn.

Puntland waxay sheegtay in dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka uu saaran yahay mas'uuliyadda ilaalinta sharciga dastuurka si loo xaqiijiyo hannaanka dimoqraadiyadda.

Puntland ayaa sidoo kale soo dhoweeysay hadaladii ka soo yeeray madaxdii hore ee Soomaaliya iyo siyaasiyiinta walaac ka muujiyay cawaaqib xumada ka dhalan kara go'aamada uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaran.

Warka kasoo baxay Puntland ayaa kusoo aaday kaddib markii Golaha Wadatashiga uu isku raacay in Doorashooyinka madaxda dowlad goboleedyada la qabto Sebtembar 2025, taasoo ka dhigan in sanad ah loo kordhiyay muddo xileedkooda.

Waxaa go'aankaan la gaaray iyadoo ay madasha ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo horey uga horyimid qorshahaan muddo kororsiga dowlad goboleedyada.