Talaado, February 11, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka sagootiyay Cutubyo ka tirsan ciidamada muuqda/hubaysan ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA.
Ciidamadaan ka tirsan NISA ayaa la tilmaamay iney yihiin kuwa si gaar ah loo siiyey tababaro sare oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxaha loogu yeero Argagixisada.
Warsaxafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamadaan ay leeyihiin Taqasusyo gaar ah oo la xariira weerarada qorsheysan iyo burburinta godadka ay ku dhuumaaleysanayaan horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka kooxaha loogu yeero argagixisada.
"Ciidamadaan oo ay tababareen khubaro ka socotay dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah ugu biiri doona howlgallada dalka ka socda ee lagu ciribtiraayo kooxaha Khawaarijta ah, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga, kala dambaynta iyo xasilloonida dalka" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney garab istaagaan ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Kooxaha Daacish iyo Al-shabaab, isagoona dowlada Turkiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah oo ay la garab taagan yihiin dowlada Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta ciidamada.
Sagootinta ciidamadaan sida gaarka ah ugu tababaran la dagaalanka kooxaha loogu yeero argagixisada ayaa kusoo aadeysa, iyadoo todobaadyadii ugu dambeeyay dagaalo ka dhan ah kooxaha Al-sbabaab iyo Daacish ay ka socdeen gobolada Hiiraan iyo Bari.