2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2025
Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo soo afjaray howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo qaatay sadax maalmood
 

Arbaco, February 12, 2025 (HOL) - Ciidanada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor qeybta 21-aad iyo ciidanka difaaca deegaanka ayaa howlgalo culus oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaano dhaca duuleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ciidamada iskaasnahaya ayaa howlgalada ka sameeyay deeaanada kala ah Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadad oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Xarardheere.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgaladaan si xiriir ah u socdeen sadaxdii maalmood ee lasio dhaafay, islamarkaana khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan Al-shabaab oo deegaanadaas isku aruursanaayay.

“Howlgalkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa looga gol lahaa ciribtirka maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo la helay xogtooda, xilli ay maleegayeen dhagaro argagixiso. Ciidamadda ayaa si taxaddar leh uga hortagay kooxaha nabad-diidka ah, iyagoo ku beegsaday goobo ay isku uruursanayeen, waxaana Howlgalka inta uu socday ayaa Khawawrijta laga dilay tiro maleeshiyaad” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalada ayaa sidoo kale xaqiijiyay in kooxda la gaarsiiyay jab xooggan, lana burburiyay saldhigyo ay ku dhuumaaleysanayeen, kana wadeen abaabulo la xariira dhibaateynta dadka shacabka ee ku nool magaalada Xarardheere.

Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa ka mid ah degmooyinka istaraatiijiga ah ee laga xureeyay kooxda Al-shabaab, waxaana xusid mudan in wali kooxdu ay si weyn u dooneyso in magaaladaasi ay dib u qabsato, iyadoo tiro dhowr jeer ah ku qaaday weeraro aysan ku guuleysan.