2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2025
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah
 

Arbaco, February 12, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baku ee dalka Azerbaijan kulan kula qaatay dhigiisa dalkaas Ilham Aliyev, iyagoona kala saxiixday heshiisyo muhiim ah iskaashiga labada dal.

Labada madaxweyne ayaa kulankooda uga wada arrinsaday horumarinta xiriirka Labada dal sida dhinacyada waxbarashada, tamarta, amniga, iyo khibradaha dhanka maamul.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo dhaxalgal ah oo ay ka mid yihiin kobcinta iskaashiga waxbarasho, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, horumarinta cilmi baarista iyo hal abuurka.

Waxaa sidoo kale labada dhinac isla garteen in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto dhanka horumarinta tamarta, gaar ahaan dhinacyada shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

"Dhinaca amniga iyo difaaca, labada dal ayaa ku heshiiyay wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada iyo tayeynta Hay'adaha Amniga, waxaana la isku afgartay in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, iyadoo la dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ilham Aliyev ayaa sidoo kale wada saxiixay dhismaha madal joogto ah oo lagu xoojinaayoo xiriirka labada dal, si ay u fududeeyaan fulinta heshiisyada la saxiixay.

Ugu dambeynto Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhigiisa dalka Azerbaijan Ilham Aliyev ku casuumay inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada wadan.