2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2025
Maxkamadda Degmada Waaberi oo xukuntay lamaane iska duubay muqaalo anshax xumo ah
 

Khamiis, February 13, 2025 (HOL) - Maxkamadda Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa 2 sanno oo xabsi ah ku xukuntay nin iyo xaaskiisa oo lagu eedeeyey in ay iska duubeen 124 muuqaal oo anshax xumo ah sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Maxkamadda Abshir Cumar.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in arintaan uu uga digaayo bulshada Soomaaliyeed inay ka taxadaraan camerooyinka iyo moobilada lagu duubayo qolalka u gaarka ah lamaanayaasha ama aabaha iyo hooyada Guriga, waxa uu soo duubay muqaal uu uga wacyigelinayo Bulshada Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab oo laga baahiyay Tvga Qaranka.

Gudoomiye Abshir ayaa xusay in muqaalada ay duubeen lamaanayaashaani oo magacyadoodi iyo sawiradoodi la qariyay ee xukunka ku dhacay ayaa lala wadaagay qaar kamid ah waalidiintooda iyagoo laga dalbanayo inay bixiyaan lacago markii dambana la ogaaday inay ahaayeen wax ay isla ogaayeen.

Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Waaberi ayaa cadeeyay inuu in muddoyinkii 3bil uu maamulka Maxkamaddaan haayay uu kiiskaasi ahaa mid layaab ku noqday laga soo bilaabo Bishii November.

Ugu dambeeyntii Gudoomiye Abshir Cumar ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in dhinac kamid ah waalidiinta lamaanayashani oo muqaalka anshax xumida ay duubeen la tusay uu shil gaari galay in muddo ahna uu isbitaal arintaasi u jiifay inkastoo markii dambe laga soo saaray.