Khamiis, February 13, 2025 (HOL) - Maxkamada Gobolka Baay ayaa maanta markale waxa ay fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu fuliyay Gacan ku dhiigle Isaaq Aadan Oo horey u diley Marxuum Aadan Maxamed bishii November ee sanadkii 2024 kadib markii ay xeer ilaalinta maxkamadda ay ku heshay dambiga ah inuu dilay marxuum Aadan Maxamed.
Dhageysiga Dacwada Eedeysanaha maanta xukunka lagu fuliyay ayay maanta dacwadiisa u fadhiisatay Maxkamadda oo ay riday xukunka dilka ah, daqiiqo kadibna lagu filyay xukunkaasi, Fagaaraha ay ka dhacday toogashada ninkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa garsooreyaashii riday xukunka, mas'uuliyiin iyo dadweyne fara badan oo u soo daawasho tagey fulinta xukunka qisaasta ah.
Ehalada marxuum Aadan oo goobta joogay ayaa sheegay inay soo dhoweenayaan sida Maamulka Koonfur Galbeed ay xadka uga oofiyeen gacan ku dhiigle Isaaq oo tooreey nafta ku dhaafiyay wiilkoodi, shalay sidaan oo kale ayay Maamulka Koonfur Galbeed ay u fuliyeen xukun dil ah oo laga oofiyay laba wiil oo dhalinyara ah kuwaasi oo dil iyo kufsi bareer ah kula kacay haweeyney kamid ahayd dadka degaanka laguna magacaabay Luul.
Raggan dhallinyarada ah oo lagu kala magacaabi jirey Mukhtaar Maxamed Nuur iyo Nuur Maxamed Xasan oo labaduba 20 sano jirro ah, ayaa lagu helay dilka Luul Cabdiladiif Macallin, taas oo toorrey lala dhacay, ka hor inta aan laga qaadan telefoonka gacanta oo nuuciisu ahaa Samsung A15, sida ay sheegtay maxkamada.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo xukunka toogashada ka akhriyey goobtii lagu fulinayey, ayaa qisaastooda u cuskaday dil bareer ah oo ay 9-kii Fabraayo 2025 ay magaalada Baydhabo ugu geysteen marxuumad Luul.
Sayga marxuumad Luul oo goobta ka hadlay ka gadaal markii xukunka lagu fuliyey raggii diley xaaskiisa, ayaa dowladda Koonfur Galbeed uga mahadnaqay sida ay uga jawaabeen codsi uu u diray maalmo ka hor, kaas oo uu ku dalbaday in caddaalada la mariyo gacan-ku-dhiigleyaasha, Ninkan oo magaciisa ku soo koobay Ilyaas, islamarkaana lugaha naafo ka ah ayaa warbaahinta la hadlay isagoo kor loo sido, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay sida dhakhsiyaha leh ee loo fuliyey xukunka.
Wasiirrada Caddaaladda iyo Amniga Gudaha Koonfur Galbeed oo qisaasta ka dib warbaahinta la hadlay, ayaa bogaadiyey laamaha ammaanka iyo cid walbo oo gacan ka geysatey soo qabashada gacan-ku-dhiigleyaasha, wuxuuna dhanka kale hay'adaha garsoorka ku ammaanay sida ay u dadajiyeen oofinta xukunka.