Jimco, February 14, 2025 (HOL) - Maxkamad ku taalla Sweden ayaa maanta oo Jimce ah xukun saddex sano iyo saddex bilood ah ku riday nin 22 jir ah, kaddib markii lagu helay dambiyo la xiriira argagixisada, kuwaas oo ay ka mid yihiin ka mid noqoshada ururka Daacish (IS), maalgelinta argagixisada, iyo safarro uu u galay ujeeddooyin la xiriira kooxaha xagjirka ah.
War ka soo baxay maxkamadda ayaa xaqiijiyay in safarrada uu sameeyay ninka la xukumay ay dhammaantood ku wajahnaayeen Soomaaliya, halkaas oo lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la lahaa Daacish. Xukunkan ayaa ah kiiskii ugu horreeyay ee lagu fuliyo sharci cusub oo Sweden ay meel marisay sannadkii 2023, kaas oo mamnuucaya ka kamid noqoshada kooxaha argagixisada.
Dowladda Sweden ayaa sanadihii la soo dhaafay xoojisay shuruucda la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan tan iyo weerarkii 2017 ee Stockholm, halkaas oo qof u dhashay Uzbekistan, oo sheegay inuu Daacish taageersan yahay, uu gaari ku jiiray dad shacab ah, taasoo dishay shan qof.
Dastuurka Sweden oo hore u ogolaa xorriyadda ururaysiga ayaa dib u eegis lagu sameeyay, taasoo fududaysay in la meel mariyo sharci mamnuucaya ka mid noqoshada ururada argagixisada. Arrintan ayaa sidoo kale kusoo beegantay xilli Sweden ay dadaal ugu jirtay inay xubin ka noqoto NATO, kadib markii Turkiga uu shardi ka dhigay in ay tallaabo adag ka qaaddo kooxaha xagjirka ah ee ka hawlgala gudaha dalkaas.
Sweden, oo muddo dheer ka fogaanaysay ku biirista isbahaysiyada ciidan, ayaa go'aansatay inay NATO ku biirto bishii May 2022, kaddib duullaankii Ruushka uu ku qaaday Ukraine. Ugu dambeyntiina, bishii Maarso 2024 ayay si rasmi ah xubin uga noqotay isbahaysigaas.