2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2025
Kenya oo ka hadashay safarkii uu dhawaan ku tagay dalkeeda madaxweynaha maamulka Jubbaland
 

Isniin, February 17, 2025 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa markii ugu horay ka hadashay safarkii uu dhawaan ku tagay dalkeeda madaxweyna maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo uu khilaaf adag kala dhaxeeyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo Isbadalka Cimiliada dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale oo wareysi siiyay mid ka mid ah Warbaahinta Soomaalida ayaa sheegay in Safarkii Axmed Madoobe uu ahaa mid la xariiray wadahadalo dhex dhexaadin ah oo ay Kenya ka dhex waday dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Wasiir Barre ayaa sidoo kale cadeeyay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne William Ruto iney arrimaha Soomaaliya keliya kala macaamilayso dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay doonayso in dowlad goboleedyadu ka dambeeyaan dowlada dhexe.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Aadan Barre in Xukuumadda William Ruto ay madaxweyne Xasan Sheekh u caddaysay mowqifka dawladda Kenya ee arrimaha Soomaaliya intii lagu jiray shir madaxeedkii dalalka bariga Afrika ee dhawaan ka dhacay magaalada Caruushe ee dalka Tanzania.

Ugu dambeyntii wareysiga Wasiir Aadan Barre ayaa kusoo aadaya, iyadoo bishii janaayo ee lasoo dhaafay madaxweynaha Jubbaland diyaarad gaar ah ka qaday Kismaayo ay geysay magaalada Nairobi, taasoo dhalisay hadal heyn xoogan oo dadka qaar ay ku tilmaameen arrin xadgudub ay dowladda Kenya ku samaysay madax bannaanida Soomaaliya.