2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh "Siyaasiyiinta leh balaayo ayaa soo socoto maskaxiyan ayey u xanuunsan yihiin ee hala daaweeyo"
 

Isniin, February 17, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si kulul uga jawaabay eedeymo culculus oo ay Siyaasiyiinta Mucaaradka ay usoo jeediyeen, waxaana uu shaaca ka qaaday in muhiimad gaar ah ay siiyaan inay shacabka wax wanaagsan u sheegaan ayna ka gaabsadaan waxyaabaha kale ee baqdin galinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in hadii ay jirto tallooyinka iyo waano ay siyaasiyiinta u hayaan Madaxda Dowladda ay si hoose ugu sheegan halka ay indhaha shacabka hor imaan lahaayeen, waxa uu Madaxweynaha ku faanay in Soomaaliya ay hadda looga yeerayo goobo fagaare ah oo ay ka maqneed muddo badan sida fadhiga Golaha amaanka QM.

Jawaabaha Madaxweynaha ee uu siinayay Mucaaradka ayaa ahaa kuwa maldahan waxaana uu yiri "Siyaasiinta leh balaayo ayaa soo socoto Al-baab naar ah ayaa furmaya kuwaas maskaxiyan ayey u xanuunsan yihiin ee hala daaweeyo".

"Dhibka Soomaaliyeed ee ka jira waa siyaasiyiinta, Siyaasiyiinta waxaan leeyahay waxaa jira wax badan oo fiican oo dadka Soomaaliyeed loo sheego ayaa jira u sheega, ama whadda ay u qabsoomeen u muujiya ama berito ay qabsn karaan u tilmaama" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Madaxweynaha xarig jarka Hosbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho.