Hiiraan Online
2/21/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2025
Xukuumadda Somaliland oo Qaadday Tallaabooyin Lagu Xoojinayo Nabadda iyo Deganaanshaha
Isniin, February 17, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland ayaa dhammaan badhasaabyada gobollada Somaliland ku amray inay xoojiyaan nabadda iyo isku xidhnaanta bulshada iyo xukuumadda.
Madaxweynaha, oo dhammaan badhasaabyada gobollada Somaliland kula shiray madaxtooyada, ayaa faray in la dhiso nabad ka timaadda bulshada iyo nidaam xukuumadeed oo ay bulshadu raalli ka tahay, kaasoo horseed u noqonaya in bulshadu midowdo oo deganaato.
"Waa in aad eegtaan tabashada bulshada gobollada aad masuulka ka tihiin, oo aan la sugin inta dhibaatadu dhacayso, isla markaana aad ku dadaashaan in ay isku xidhnaadaan dowladda iyo shacabku, si shacabku u helo adeegyada dowladeed," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa uu badhasaabyada gobollada faray in dhammaan muwaadiniinta si siman loogu garsooro, isla markaana la gaadhsiiyo dhammaan adeegyada xukuumadda iyada oo aan loo kala qaybinayn mucaarad iyo muxaafid, si loo xoojiyo midnimada iyo nabadda.
"Dhaqankii ahaa xisbi hebel dowladda ayuu taageersan yahay ama wuu kasoo horjeedaa waa in la beddelaa. Waa in muwaadinku dareemo in aynu madaxdiisii nahay," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Madaxweynaha ayaa dhawaan magacaabay guddi loogu talogalay horumarinta dhismaha nabadda, kuwaasoo xal nabadeed u raadindoona shaqaaqooyinka, isla markaana cilmi-baadhis ku samayn doona waxyaabaha nabadgelyo-darrada sababa si looga hortago.