2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 2 , 2025
Puntland oo shaacisay in duqeymihii Maraykanku ka geystay buuraha Calmiskaad lagu dilay xubno muhiim ah oo katirsan Daacish
 

Axad, February 2, 2025 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in duqeymihii ugu dambeeyay ee cirka ee Maraykanku uu ka geystay buuraha Calmiskaat ay horseedeen in laga takhaluso shakhsiyaadka muhiimka u ahaa kooxda ISIS.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in duqeymahan ay calaamad u yihiin horumar la taaban karoo oo laga gaaray inta lagu guda jiro wejiga labaad ee hawlgalka lagula dagaallamayo argagixisada Daacish.

Puntland waxay uga mahad celisay duqeymahan saaxiibada caalamiga ah ee gacan ka gaystay dadaallada lagula dagaalamayo Daacish ee gobolka.

Waxay si gaar ah u xustay deeqaha Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta, oo ay sheegtay inay door muhiim ah ka qaateen duqeymaha cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday xubnaha Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaat ee gobolka Bari.

Sidoo kale, Puntland ayaa si weyn ugu mahadcelisay taageeradii ay ka heleen dowladaha Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo ka caawiyay diyaarinta wejigii koowaad ee hawlgalka lagula dagaalamayo kooxda Daacish.

Puntland waxay hoosta ka xariiqday go’aankeeda ku aaddan la dagaallanka dhammaan noocyada argagixisada iyo khataraha kale ee amniga, iyadoo ballan qaaday inay sii xoojin doonto iskaashiga ay la leedahay daneeyayaasha caalamiga ah si loo sugo xasilloonida gobolka iyo ka baxsan.

Si kastaba ha ahaatee, lama shaacin magaca xubnaha Daacish ee lagu dilay duqeymaha. Hase ahaatee, wararku waxay sheegayaan in ka qaarijiyay saraakiil sarsare oo isugu jiray Soomaali iyo ajaanib.