Axad, February 2, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dowladda Falastiin, Rowaid Adil Maxamed oo dhowaan laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiir Rowaid Adil Maxamed waxaa uu ugu hambalyeeyay xilka cusub, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya ay mar walba garab taagan tahay shacabka Falastiin gaar ahaan xaqa taariikhiga ah ee ay u leeyihiin Falastiiniyiintu xornimada iyo madax-bannaanidooda.
Kulankoodi waxa ay diirradda ku saareen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Falastiin, wuxuunna Ra'iisul Wasaare Xamse u cadeeyay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba raali ka ahayn barakicinta shacabka Falastiin.
Safiir Rowaid Adil Maxamed, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Falastiin, isaga oo xusay in dadka reer Falastiin ay si dhow u og yihiin abaalka walaalnimo ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Arinta barakicinta Shacabka Gaza waxaa soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo wadamada Masar iyo Jordan ka codsaday inay qaabilaan qaxooti kumanaan Falastiiniyiinta ah maadama uu Gaza ku tilmaamay meel fowda ah oo aan lagu noolaan karin.