Axad, February 2, 2025 (HOL) - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya si weyna u dhaliila Siyaasadda Dowladda ayaa dhaleeceyay in Dowladda warsaxafadeedkii ay kasoo saartay duqeyntii ugu dambeeysay ee ka dhacday buuraha Bari kumuujinin doorka Puntland ee dagaalka ka dhanka ah Daacish.
Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa hadalkiisa kutusaaleeyay inuu soo qaatay Laba war oo ay Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka kusoo qoreen bartii hore ee Twittar ee hadda loo yaqaano X waxaana uu sheegay inay kawada simnaayeen:-
1- In lagu qoray af Ingiriis. 2- In loogu mahadceliyey Ameerika, 3-In lagu ammaanay Donald Trump.
4- In loo kala beratamey xiriirka Ajnabiga, 5- In la is inkiray oo aan la isi soo hadal-qaadin.
Waxa uu yiri "Madaxweynaha Soomaaliya ma xusin Puntland, dagaalka ka socdana kama hadal tan iyo intii uu gulufkaas bilawday, waraysigii ugu danbeeyey ee uu siiyey wargayska Washington Post sooma hadal qaadin Daacish iyo duulaanka ay Soomaaliya ku soo qaaday".
Si la mid ah, xildhibaanka ayaa dhinaca Puntland ku eedeyay inaysan soo hadal qaadin Dowladda Soomaaliya, laakiin Trump iyo taliskiisa ciidan ee (AFRICOM) waxay sheegeen in ay dawladda federaalka ah wargeliyeen, iyadayna ku abaalsheegteen, sababtoo ah dunidu dawladda Soomaaliya bay aqoonsan tahay.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa shaaca ka qaaday in Aragagexisada Al Shabaab iyo Daacish ay la dhasheen dawlad la’aanta, haddii si kale loo dhigo waa qandhadii ee ma aha cudurkii.
"Colaadihii sokeeye waxay dhaawaceen is aaminiddii bulso, iyo kalsoonidii lagu qabay dawladda, waxaa la kala dhowaystay, la iskuna xoojiyaa ajnabiga" ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.