2/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2025
Rooble oo gaaray Koonfur Afrika, Xili loo diiday qaadashada Baasaboorka Diplomaasiga
 

Khamiis, February 20, 2025 (HOL) - Warar aan helnay ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay u diiday Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble qaadashada warqadda Habraaca Baasaboorka Diplomaasiga oo isaga iyo wafdigiisa ku dalban lahaayeen visaha dal ku galka maadama uu doonayay inuu ugu safro dalka Koonfur Afrika.

Sida xogaha aynu ku heleeyno iyo ilo wareedyada ka agdhow Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa gelinka dambe ee maanta ka degay magaalada Johannesburg ee dalka South Africa garoonka O.R. Tambo International Airport.

Rooble, ayaa ku safray baasaboorka Sweden oo uu ka haystay dhalaahada wadankaas, Safarka waxaa ku wehliya wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdullaahi Carab, Wasiiru dowlihii hore ee qorshaynta Gaani, Xogyihii hore ee gobolka Banaadir Xiireey, iyo mas'uuliyiin kale.

Dhamaan xubnaha kamidka ah wafdiga Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wata baasabooro kala duwan oo kuwa reer Yurub ah.

Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku casuumay Rooble dalkaasi waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo uu kala hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka uu marayo.

24kii saac ee lasoo dhaafay waxaa is qabsaday baraha Bulshada dhaleeceyn xoogan oo loo jeedinayo Dowladda gaar ahaan Wasaaradda arrimaha Dibadda oo ilaa iyo hadda aanan si faah faahsan uga hadal diidmada warqada ee Lagula kacay Ra'iisul Wasaare Rooble.