2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 21, 2025
Dowladda Soomaaliya oo Sacuudiga kala xaajooneysa in Soomaalida ku xiran loogu soo wareejiyo Soomaaliya
 

Jimco, February 21, 2025 (HOL) - War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimaha ku saabsan maxaabiis Soomaali ah oo ay dhowaan Dowladda Sacuudiga kuxuntay dil toogasho kuwana ay ku fulisay kadib markii ay kusoo eedeysay inay Daroogo galiyeen wadankaasi.

War saxaafadeedka wasaaradda waxaa lagu sheegay in Wasiir Xassan Macallin Maxamuud, uu si dhaw u la socdo xaaladda sharci iyo midda bini’aadannimo ee maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Boqortooyada Sucuudiga oo qaarkood ay ku xukuman yihiin xukunno dil ah iyo sanado badan oo xabsi ah.

Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadan doonto doorkeedi samatabixinta muwaadiniintaasi iyadoo arrimahaasi kala hadlaysa Dowladda Sacuudiga.

War saxaafadeedka waxaa lagu yiri "Wasaaradda Cadaaladda oo ka duulaysa dowrkeeda matalaadda sharci ee muwaadiniintaas, waxay dadaal badan ku bixinaysaa sidii wax looga qaban lahaa xaaladahooda iyadoo ay noo socdaan wada-hadallo hay’adaha dhiggeenna ah ee Boqortooyada Sucuudiga".

Wasaaradda oo warkeedi sii wadata waxay intaa ku dartay "si looga shaqeeyo in muwaadinintaasi ay helaan taageero iyo mataalad sharci iyo in xukunnadooda ay ku dhamaystaan dalka Soomaaliya, iyada oo la tixgelinaayo Heshiiska Riyaad ee Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ee u dhexeeya waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta oo ay qeyb ka wada yihiin Sucuudiga iyo Soomaaliya".

Maalmihii lasoo dhaafay qaar kamid qoysaska muwaadiniintaasi oo warbaahinta ka hadlaayay ayaa ugu baaqay Dowladda inay gacan ka gaysato sidii wiilashooda looga soo samatabixin lahaa dalka Sacuudiga.