Hiiraan Online
2/22/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Feb 21, 2025
Howlgal ka dhacay gobolka Mudug oo lagu dilay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab
Jimco, February 21, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaan ku qaadeen Xalay saqdii dhexe deegaanka Dabagalo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Weerarkaan ay fuliyeen ciidamada is kaashanaya ayaa lagu dilay ilaa lix xubnood oo ka tirsanaa xubnaha Al-shabaab oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taala deegaankaas.
Taliyaha ciidamada howlgalka fuliyay hoggaaminaayay oo lagu magacaabo Korneyl Gaanburi ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in howlgalka lagu dilay madixii Sakawaadka kooxda Al-shabaab ee deegaanka Dabagalo iyo tuulooyinka ku dhadhaw.
"Ciidanka xooga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa xalay abaare 11:30 habeenimo u daatay weerar qorsheysana xubno Horjoogayaal oo Khawaarij ah iyo maleeshiyaad ayaa dhagta dhiig loo daray kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Dabagalo oo hoostaga Degmada Xarardheere" ayuu yiri Korneyl Gaanburi.
Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug iyo deegaanada hoostaga waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay ka socday ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ka wadeen howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.