2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 22, 2025
Dowladda oo shaacisay magacyada horjoogayaal Al-shabaab looga dilay dagaalo ka dhacay Shabeellaha Dhexe
 

Sabti, February 22, 2025 (HOL) - Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalo culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lagu shaaciyay magacyada 5 ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab looga dilay dagaalkii cuslaa ee maalin ka hor ka dhacay deegaanka Ceel Cali Axmed.

Shanta horjooge ee kooxda laga dilay ayaa la sheegay inuu ka mid yahay madaxii kooxda ee waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha ee gobolada Shabeelaha Dhaxe, Galgaduud iyo Mudug, kaasoo magaciisa lagu sheegay Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisow oo loo yaqiinay Cabdi Gurey.

Horjoogayaasha kale ee kooxda looga dilay dagaalada ka dhacay Shabeellaha dhexe waxaa ka mid ahaa Daahir Buuxane oo ahaa Taliye ka tirsan dagaalamayaasha kooxda iyo madaxii gaadiidka guud ee kooxda oo magaciisa lagu soo koobay Anas.

Warkaan kasoo baxay Taliska xoogga ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalin ka hor dowladda Fedaraalka Shaacisay in dagaalada ka dhacay Shabeellaha Dhexe lagu dilay 130 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-