Sabti, February 22, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa dagaaladii culsaa ee ka dhacay deegaanka Ceel Cali Axmed ku gubay gaadiid badan oo ay wateen kooxda Al-shabaab, islamarkaana qaar kale soo furtay.
Taliyaha guutada 5-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Xasan Ibraahin Baay ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in howlgalka lagu burburiyey dhamaan gaadiidkii dagaal iyo hubkii saarna ee kooxda Al-shabaab.
Boggaga Warbaahinta dowladda Fedaraalka ayaa lagu soo bandhigay Sawiro iyo Muqaalo muujinaya gaadiid dagaal oo aad u badan oo Al-shabaab looga gubay dagaalkii ka dhacay Ceel Cali Axmed.
"Khawaarijtii soo weerartay deegaanka Ceel Cali Axmed meydkooda waxay daadsan yihiin halkii lagu dagaalamay ilaa meeshii ay ka soo duulaan tageen, waxaa sidoo kale kooxda laga gubay, lagana qabsaday gaadiidkii ay kusoo duulaan tageen in ka vadan 10 gawaari oo nooca dagaalka ah ayaa laga gubay Khawaariijta" Taliyaha guutada 5-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Maxamuud Xasan Ibrahim Bakaay.
Taliye Baakaay ayaa sidoo kale sheegay in wali meydadka kooxda oo tiro beel ah ay daadsan yihiin gudaha iyo banaanka deegaanka Ceel Cali Axmed, islamarkaana inta baxsatay firxadkood ay wali ku raad joogaan ciidamada iskaashanaya.
Dagaalkii ka dhacay Ceel Cali Axmed ayaa dowladda Fedaraalka waxay sheegtay iney ku dishay in ka badan 130 xubnood oo Al-shabaab ka tirsanaa, islamarkaana ay ku jiraan ilaa 5 horjoogeyaal ah.