2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 22, 2025
Fahad Yaasiin oo dhaliilay khudbadii uu maanta madaxweynaha ka hor jeediyay Golaha Shacabka
 

Sabti, February 22, 2025 (HOL) - Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa si weyn u dhaleeceeyay khubbadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud qeybta uu kaga hadlay dagaalka Ciidamada Puntland ay kula jiraan Kooxda Daacish.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta furay kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay xukuumadda Soomaaliya ay dhowaan guddi u saari doonto kaalmada ay Puntland uga baahan tahay Dowladda Federaalka si looga caawiyo dagaalka ay kula jiraan Kooxda Daacish.

Fahad Yaasiin ayaa ku tilmaamay hadalka Madaxweynaha inuu ahaa mid uu lasoo daahay waxaana uu yiri "Xikmadaha Yamanta waxaa ka mid ah Inaad soo daahdo waxay dhaantaa inaadan imaanin".

"Madaxweyne Xasan, saddex bilood kaddib inuu guddi magacabayo oo uu dhanka Puntland usoo jeestay waa talaabo wanaagsan, Waxaa habboon in  Maamulka Puntland ay niyad sami ku soo dhaweeyaan, lana shaqeeyaan Dowladda Federaalka" ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin ayaa ugu dambeeyntii ugu baaqay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani, inuu joojiyo siyaadiisa ku dhisan diidmada ee uu niyad sami kusoo dhoweeyo gurmadka Dowladda.

Shalay Dowladda Fedaraalka ayaa ku eedeeysay maamulka Puntland in ay diidan tahay in dowladda ka caawiso dagaalka Daacish, balse wasiirro ka tirsan maamulka Puntland ayaa beeniyay in Puntland ay diidday caawinita dowladda Federaalka ee dagaalka lagula jiro kooxda Daacish.