Isniin, February 3, 2025 (HOL) - Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay amaro aan laga weecan karin oo taabanaya dadka imaanaya iyo kuwa ka safraya Soomaaliya, tallaabaani ayaa ah in ay qasab ku tahay in ay qaataan tallaallada ay ka midka yihiin kan looga hortago duumada, tallaalka dabaysha iyo tallaalka qaaxada maskaxda.
War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in arrintaasi ay dhaqan-gashay 1-da Febraayo ee sanadkan 2025, waxa ay xustay in Xarumaha Tallaalka laga qaadanayo ay qeyb ka yihiin goobaha laga soo galo dalka, sida: garoomada caalimiga ah, dekedaha iyo xarumaha kale ee caafimaad ee dowladdu asteysay.
War saxaafadeedka waxaa lagu yiri "Wasaaradda Caafimaadka waxaa ka go'an ilaalinta caafimaadka iyo badqabka muwaadiniinta iyo dadka booqashada ku imaanaya dalka lyadoo haddaba, laga duulayo kororka cudurrada faafa ee caalamka iyo dhaqangelinta Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah ee la xariira isu socodka (IHR 2005)".
Tallaalka duumada waxaa loogu talogalay in looga hortago kaneecada taas oo khatar ku ah nolosha, Qaniinyada kaneecada ayuuna cudurka ku kala gudbaa. Tallaalka ugu caansan ee looga hortago duumada waxaa loo yaqaan Mosquirix.
War saxaafadeedka wasaaaradda Caafimaadka ayaa shaaca looga qaaday in Waqtiga tallaalka uu noqon doono ugu yaraan 10 maalmood ka hor safarka.
Tallaalka waa mid badqab ah oo waxtar leh kana hortagaya afarta nooc ee cudurka keena. Tallaalka waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay dhowr iyo toban jirada, dadka safraya iyo dadka qaba xanuunada gaarka ah, Marka aad qaadato tallaalka waxaad difaac u yeeshay naftaada sidoo kale waxaad ka qeyb qaadatay in aad joojiso faafitaanka cudurka.