Isniin, February 3, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya Mandheera ayaa sheegaya in Shan ka mid ah Ugaasyada deegaanka la la’yahay ka dib markii sida la sheegay ay dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay ka afduubteen degmada Ceelwaaq ee gobolka Mandheera ee waqooyi bari Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in Caaqiladaasi ay xoog ku kaxeysteen Koox ka tirsan Al shabaab waxaana laga watay inta u dhaxeysa Wargaduud iyo Ceelwaaq abbaare 7:40 Subaxnimo ee maaanta oo Isniina ah 3-da February.
Taliyaha Booliska Koonfurta Mandheera Julius Njeru ayaa xaqiijiyay dhacdadaan, Wararka ayaa sheegaya in Shanta Caaqil ay la socdeen Gaari Mazda ah oo uu leeyahay G/sare Maxamed nuur Xaashi, markii afduubka uu dhacaayay.
Afduubayaasha ayaa ugaasyada la rumeysan yahay inay ula dhaqaaqeen dhanka xuduudka Soomaaliya.
Gobolkaan oo xuduud la leh Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacayay dhaq dhaqaaqyo ay Al shabaab dhowr jeer ka sameeyeen, iyadoo Al-Shabaab ay caan ku tahay deegaannadaas.
Sidoo kale, Madaxweyne William Ruto ayaa lagu wadaa in maanta uu billaabo socdaal todobaadle ah oo uu ku marayo gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.