Isniin, February 3, 2025 (HOL) - Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa joojiyey khidmadaha la xiriira buugga caafimaadka ee rakaabka ka baxaya iyo kuwa soo galaya dalka, kuwaas oo ay maanta soo rogtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
War-saaafadeed kasoo baxay wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu sameeyey go’aanka Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka, kaas oo la sheegay inuu dhaqan-gali lahaa 03 Febaraayo 2025.
Wasaaradda Maaliyaddu waxay ku dhawaaqday in khidmadaha la xiriira buugga caafimaadka ee rakaabka ka baxaya iyo kuwa soo galaya dalka ay yihiin waxba kama jiraan, iyadoo xiganaysay sharciga Maamulka Dakhliga 2019 iyo Qaraarka Golaha Wasiirrada ee Maamulka Khasnadda Mideysan.
Waxay fartay dhammaan hay’adaha ay khusayso in si degdeg ah loo joojiyo ururinta khidmadaha noocaas ah.
“Haddii Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ay doonayaan in rakaabka ka safraya ama u safraya dalka ay qaataan tallaal oo ay iibsadaan buugga caafimaadka, waxaa looga baahan yahay inay soo gudbiyaan codsi rasmi ah oo ay la socoto qiimeyn maaliyadeed oo faahfaahsan. Marka la helo codsigaas, Wasaaradda Maaliyadda ayaa samayn doonta dib-u-eegis, iyadoo la tashanaysa hay’adaha ay khusayso, ka hor inta aysan soo saarin khidmadaha rasmiga ah ee waafaqsan sharciga,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda Maaliyadda.
Si kastaba ha ahaatee, maanta ayay ahayd markii ay wasaaradda caafimaadku ay soo rogtay awaamiirtan, taasoo saamayn ku yeelatay rakaabka dalka ka baxayay iyo kuwa soo galaya, iyadoo abuurtay cabasho badan iyo jahwareer.