2/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 3 , 2025
Booliiska Soomaaliya oo soo saaray amar ku socda Ganactada, Shirkadaha iyo shaqaalaha Ajaaniibta ah
 

Isniin, February 3, 2025 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa ku amray Ganacsatada, Shirkadaha iyo shaqaalaha Ajaaniibta ah ee ku sugan guud ahaan dalka iney qaataan warqadda dambi la'aanta ee  C.I.D.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in amarkaan uu yahay mid kor loogu qaadayo amniga guud ee dalka iyo in laga hortago dhibaatada kooxaha nabaddiidka ah.

“Dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Ajaanibta ah waa in ay qaataan warqadda dambi la’aanta ee C.I.D. sidaas oo kale waxaa Shirkadaha & Ganacsatada la farayaa in ay qaataan warqaddaas, Warqaddaan waxa ay caddeyn u tahay in Ganacsigaas ama shirkaddaas aanay ku lug lahayn kuna jirin maalgelinta Argagixisada, xogaha la helayo ayaa muujinaya in kooxaha Khawaariijta ah lacagihii laga xayiray ay dhexmarsanayaan Shirkado iyo Ururro” Ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Afhayeen Cabdifataax ayaa sheegay in amarkan uu dhaqangal kiisa bilaaban doono 10-ka bishaan Febraayo, isagoona xusay in cidii u hogaansami weyda amarkaan laga qaadi doono talaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Ugu dambeyntii amarkaan kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay qaar ka mid ah hay'adaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay soo sarayeen digniino adag oo la xariiray inaan lala macaamili karin kooxaha loogu yeero aragagixisada.