Isniin, February 3, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wareegto uu soo saaray dib ugu soo celiyay dhamaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee Gaashaanle Sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu dib u soo celiyay darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee Gaashaanle Sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi, taasoo ku saleeysan xeer Madaxweyne si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah.
"Madaxweynaha ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Lr. 003, soona baxay sanadkii 2023-dii, codsi uu soo gudbiyey Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Talaabadaan dib loogu soo celiyay xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan Gaashaanle Sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi ayaa timid, kadib markii uu Gaashaanlaha uu codsi u gudbistay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
"Gaashaanle Sare Ibraahim ayaa xaq u yeelanaayo dhammaan xuquuqda ciidan ee sharciga uu u oggolyahay, laga bilaabo maanta oo la saxiixay xeerkan Madaxweyne, iyada oo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Gaashaanle Sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi ayaa horay waxaa darajadiisa iyo xaquuqdiisa ciidan uga qaaday dowladdii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.