1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 1 , 2025
Masar oo ciidamo cirka iyo badda ah u soo direysa Soomaaliya si ay qeyb uga noqoto howlgalka AUSSOM
 

Arbaco, January 1, 2025 (HOL) - Masar ayaa xoojinaysa joogitaankeeda Soomaaliya si ay uga qayb qaadato howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee lagula dagaalamayo kooxda Al Shabaab, iyadoo ciidankeeda badda iyo cirka ku soo daabulaysa Soomaaliya.

Ilo wareedyo iyo falanqeeyayaasha ayaa sheegaya inay tahay tallaabo muhiim ah oo Qaahira ay ku dooneyso inay ballaariso joogitaankeeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Tallaabadan ayay sheegeen in ay sidoo kale guul u tahay loolanka tobanka sano jirsaday ee Masar ay kula jirto Itoobiya oo ku saabsan biyo xireenka weyn ee wabiga Nile oo ay Addis Ababa ka dhiseyso, taasoo ay Qaahira u aragto mid khatar ku ah amaanka biyaha Niilka.

Codsiga Soomaaliya ayaa ah in ciidamada Masar ay beddelaan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika oo la bedelayo, taasoo siineysa Qaahira ciidamo badan oo ka soo tallaaba xadka Itoobiya, taasoo keeni karta in Addis Ababa cadaadis ku saarto inay muujiso dabacsanaan ku aaddan muranka biyaha Niilka.

Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika waxaa Jimcihii isku raacay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar ay soo saareen 14 ka mid ah 15-ka waddan ee xubnaha ka ah. Mareykanka ayaa ka aamusay sababo la xiriira walaac uu ka qabo maalgelinta howlkan.

Wasiirada arrimaha dibadda ee Masar iyo Soomaaliya ayaa xaqiijiyay doorka Masar ee howlgalka, wada hadalo ay ku yeesheen magaalada Qaahira todobaadkii hore, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Masar.