1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 1 , 2025
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo si ku-meel-gaar ah u hakisay wax kabadelka Xogta Baasaboorka Soomaaliga
 

Arbaco, January 1, 2025 (HOL) - Qoraal kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa lagu sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya ku dhawaaqday in muddo seddex bilood ah, oo ka bilaabanaysa 1-da Janaayo ilaa 31-ka Maarso 2025, si ku-meel-gaar ah loo hakiyey hawlaha wax-ka-beddelka xogta baasaboorka, gaar ahaan kuwa la xiriira burinta ama beddelidda macluumaadka ku jira baasaboorka.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in Go’aankan, oo ay hay’addu sheegtay inuu yahay mid ku saleysan horumarinta iyo tayeynta baasaboorka Soomaaliga, ayaa loogu talagalay in dib-u-eegis lagu sameeyo habraacyada iyo farsamooyinka la xiriira wax-ka-beddelka xogta baasaboorka.

"Iyadoo laga duulayo horumarinta iyo tayaynta baasaboorka Soomaaliga, Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa in muddo seddex bilood ah oo ka bilaabanaysa 1-da Janaayo ilaa 31-ka Maarso 2025 si ku-meel-gaar ah u hakisay wax-ka bedelka xogta baasaboorka si hay'addu fursad ugu hesho dib-u-eegista hannaanka, habraacyada iyo hawlaha farsamada ee ku saabsan wax-kabedelka xogta baasaboorka si loo ilaaliyo, loona horumariyo sumcadda baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya." ayaa lagu yiri Bayaanka Hay'adda kasoo baxay.

Shacabka waxaa lagu wargeliyay in Hakintaan Ku-meel gaar ah aysan saameyn doonin wax-kabedelka xarfaha la waafajinayo documentiyada rasmiga ah.

Hay’adda ayaa tilmaantay in arrintan ay tahay tallaabo loo qaaday ilaalinta iyo kor-u-qaadidda sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed ee caalamka.