Hiiraan Online
1/17/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Jan 11, 2025
Sacuudiga oo maanta lagu saxiixayo qoondada Soomaaliya kaga soo aaday Xajka
Sabti, January 11, 2025 (HOL) - Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta lagu wadaa Iagu wadaa inuu dalka Sacuudiga ku saxiixi doono qoondada ay Dowladda Soomaaliya ka heshay xujeeyda Soomaaliya ka xajin doonta Sanadkaan.
Mas'uuliyiin ka socday Qunsuliyadda ee Soomaaliya ee magaalada Jidah ayaa Khamiistii Wasiir Sheekh Mukhtaar iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay dalka Sacuudiga.
Wasiirka ayaa ka qeyb galaya kulan weynaha maanta ay wadamada islaamka ay iskugu imaanayaan kaas oo sanadla ah laguna saxiixo qoondooyinka ay Dowlad waliba ay u heshay inay muwaadiniintooda ka xajiyaan Sanadkaan.
Shir weynahaan inta uu socdo waxaa diirada lasaari doonaa horumarinta Arrimaha Xajka , fidinta aqoonta Islaamka, iyo iskaashiga Dowladaha islaamka.
Waqti hore Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka ayaa shaacisay qiimaha adeegga Xajka Soomaaliya ee sanadka 1446 H/ ee 2025, iyadoo qiimaha sanadkan laga dhigay $4604 oo dollar oo loogu adeegi doono xaaji kasta.