1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 14, 2025
Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Amniga Soomaaliya oo booqasho ku tagay xarunta Taliska Ciidamada dowladda Ciraaq


Talaado, January 14, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ay wehlinayaan taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Cabdalla Cabdalla, Agaasimaha guud ee Wasaradda Amniga Yuusuf Cali iyo Safiirka Soomaaliya ee u jooga dalka Ciraaq Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta taliska ciidamada ee dowladda Ciraaq.

Wafdiga uu hoggaaminaayo Wasiirka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta taliska ciidamada dowladda Ciraaq, waxaana halkaas ku qaabilay Taliyaha ciidanka Xuduudaha dalkaas Maxamed Cabdil Wahab Sukkar iyo saraakiil sare oo ka tirsan taliska.

Wasiir amniga Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa dhageystay warbixin kooban oo ku saabsan waajibaadka muhiimka ah ee uu fuliyo taliska ciidamada Ciraaq, waxaana intaas kadib wafdiga ay soo indha indheeyeen xarunta la socodka iyo xakamaynta dalka Ciraaq.

"Booqashadan ayaa qeyb ka ah xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga la-dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya iyo Ciraaq, isdhaafsiga waaya aragnimada iyo farsamooyinka la xiriira ilaalinta xuduudaha" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Soomaaliya.

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa bogaadiyay shaqada ay qabtaan taliska ciidamada xuduudaha dalka Ciraaq, gaar ahaan dadaalada ku aaddan ka hortagga soo galootiga sharci darrada ah iyo howlaha ka dhanka ah tahriibka oo uu ku tilmaamay kuwo mudan in laga tusaale qaato.