Feysal Cabey “Waxaan kamid ahay hal-abuurka cusub ee hirgelinta aqoonsiga qaranka Soomaaliya.”
Khamiis, January 16, 2025 (HOL) - Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ee dowladda Soomaaliya ayaa hiigsaneysa inay dhamaadka sanadka 2026 diiwaangeliso in ka badan 15 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed.
Qorshahan diiwaangelinta waxaa looga gol leeyahay in muwaadiniinta iyo dadka sharciga ku jooga dalka ay helaan kaarka aqoonsiga qaranka. Qiyaastii in ku dhow 85% muwaadiniinta Soomaaliyeed ma haystaan kaar ama aqoonsi rasmi ah. Kaarka aqoonsiga wuxuu fududeyn doonaa helida adeegyada bulshada, xoojinta amniga, iyo ka faa’iidaysiga fursadaha dhaqaale.
Feysal Cabey Muunye, 26 jir kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay, waa mid ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee u udub-dhexaadka u ah ka miradhalinta dedaalkan taarikhiga ah. Sheekada Feysal ee dhiirigelinta leh waxay tusaale u tahay sida fursadaha marka loo meel dayo ay u furi karaan kartida qofka, una sahli karaan in dhallinyarada ay si macno leh uga qayb qaatan horumarinta qaranka.
Feysal wuxuu shahaadada koowaad ee Bachelor-ka ee Cilmiga Kumbuyuutarka ka qaatay Jaamacadda Salaam ee magaalada Muqdisho sanadkii 2019. Kadib wuxuu si gooni ah usii bartay xirfado farsamo sida 3D, naqshadaynta garaafyada, falanqaynta xogta, iyo dhismaha bogagga internet-ka, laakiin wuxuu Feysal si isdaba joog ula kulmay diidmo mar kasta oo uu shaqo codsado.
“Sababta diidmada ma ahayn xirfadda ama aqoontayda, balse waxaa inta badan saameyn weyn ku lahaa haybta aan ka soo jeedo,” ayuu ku sharaxay Feysal.
Inkasta oo uu wajahay caqabado badan, haddana Feysal kama uusan quusan horumarinta aqoontiisa iyo xirfaddiisa. Bilowgii sanadkan 2024, wuxuu ku guuleystay inuu ka mid noqdo barnaamijka John Lewis Minority Fellows oo ah hindise isugu jira tababaro iyo meelayn shaqo oo lagu taageero dhallinyarada jaamacaha ka baxay ee ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay.
“Waxaan markii ugu horreysay ka maqlay barnaamijka qof ehelka ah oo dibadda jooga, kaas oo si adag iigu dhiirrigeliyay inaan codsado,” ayuu yiri Feysal.
Tababarka wuxuu Feysal ka helay xirfado dheerad ah oo sii dhisay fahamkiisa suuqa shaqada. Barnaamijka ayaa sidoo kale u gogol xaaray in uu ku biiro hay’adda NIRA, halkaas oo uu hadda ka yahay sarkaal qaabilsan diiwaangelinta dadka qaadanaya kaarka aqoonsiga.
“Markaan shaqada ka bilaabay hay’adda NIRA, waxaan dareemay kalsooni sare oo xoojisay wax-soo-saarkeyga,” ayuu yiri Feysal, isagoo xusay in xirfadaha uu barnaamijkan ka helay ay kaalin weyn ka ciyaareen horumarkiisa shaqo.
Doorkiisa shaqada ee hay’adda NIRA waxaa ka mid ah inuu hubiyo in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu helo aqoonsi sugan oo lagu kalsoonaan karo.
Shaqada Feysal waxay laf-dhabar u tahay hawlgallada NIRA, waxaana durba banaanka u soo baxay dedaalkiisa. Bilihi lasoo dhaafay, madaxdiisa waxay ku ammaaneen ugana mahadceliyeen xirfadiisa farsamo iyo kartida uu la yimid shaqada hay’adda NIRA.
Dedaalka Feysal kuma koobna waajibaadkiisa rasmiga ee hay’adda NIRA. Wuxuu sidoo kale aqoontiisa uga faa’iideeya dhallinyarada, isagoo ku dhiirageliya barashada tiknoolajiyadu, si ay u helaan xirfadaha lagama maarmaanka u ah in ay ka faa’iidaystaan dhaqaallaha dhijitaalka ah.
“Tiknoolajiyadu waa baahi aasaasi ah. Maanta qof kasta wuxuu heli karaa laptop iyo telefoonka, waana mida igu dhiiragelisay in aan baro xirfadaha si ay fursad uga helaan suuqa, una abuurtaan mustaqbal wanagsan,” ayuu yiri Feysal.
Dhallinyaradii uu soo saaray qaar ayaa maanta ku shaqeysta farsamooyinka kala duwan ee tiknoolajiyada, sida naqshadaynta muuqaallada – taasoo caddeynaysa in tababarada iyo latalinta habboon ay horseedi karaan isbeddel weyn.
Feysal wuxuu aaminsan yahay in la gaari karo himilada NIRA, waxaana uu sawiran Soomaaliya oo muwaadin kasta uu leeyahay kaarka aqoonsiga qaranka — taasoo fure u noqon doonta xuquuq siman iyo fursado hore aan la heli jirin.
“Gaarista hiigsiga NIRA ee 2026 waxay noqon doontaa guul taariikhi ah. Sida ii muuqata, kaararka aqoonsiga ma ahan oo kaliya in uu fududeyn doono helista adeegyadii asaasiga ah, balse wuxuu sidoo kale xoojin doonaa midnimada ummada Soomaaliyeed,” ayuu yiri. “Waxaan rajeynayaa in aan guushaas aan kula dabaaldego saaxiibbadayda aan shaqada wadaagno iyo shacabka Soomaaliyeed.”
W/Q: Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia