1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2025
Dowladda Maraykanka oo Loo Soo Jeediyay in Ay Xafiis Dibulumaasiyadeed Ka Furato Hargaysa
 

Sabti, January 18, 2025 (HOL) - Guddi Hoosaadka Golaha Wakiilada Maraykanka u Qaabilsan Ka Hortagga Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha, ayaa soo jeedisay in Maraykanku uu xafiis dibulumaasiyadeed ka furto Somaliland, si looga hortago saamaynta Shiinaha ee gobolka.

Guddida ayaa soo jeedisay in Maraykanku uu xidhiidh toos ah la sameeyo Somaliland, maaddaama oo ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo ilaa hadda aanu Shiinuhu soo gaadhin, laakiin laga yaabo inuu saamayn ku yeesho.

"Tallaabadani waa mid muhiim u ah horumarinta danaha Maraykanka ee Geeska Afrika, iyo ka hortagga saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha," ayaa lagu yidhi warqad uu golaha la wadaagay Guddoomiyaha Guddida, John Moolenaar, oo 15-ka bishan loo akhriyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Antony Blinken.

Guddidu waxay sheegtay in haddii uu Maraykanku Somaliland si dhakhso ah ula shaqayn waayo, ay suuragal tahay inuu Shiinuhu danaha Somaliland fuliyo, taasina ay keento inuu isagu awood ku yeesho gobolka.

Labadii sano ee u dambeeyay Golaha Wakiilada Maraykanka ayaa loo gudbiyay xeerar tilmaamaya in Washington ay si gaar ah ula shaqayso Hargaysa, xeerkaas oo uu goluhu meelmariyay. Sidoo kale, waxa dhawaan loo gudbiyay xeer ay xildhibaannada qaar rabaan in Somaliland loogu aqoonsado dal madax bannaan.

Waxa kordhay dadaallada ay xildhibaannada qaar iyo dad saamayn ku leh siyaasadda Maraykanku ay ku doonayaan in Washington ay xidhiidh kula yeelato Somaliland, kadib safarkii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagay Maraykanka 29, March, 2022.

Safarkaas ayuu Biixi golayaasha Maraykanka ugu faahfaahiyay muhiimadda xidhiidhka labada dhinac. Sidoo kale, dowladda Maraykanka ayaa ka cabsi qabta in Shiinuhu uu saamayn ku yeesho Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.