1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2025
Sheekh Shariif " Hadii Xisbi gaar ah uu Doorasho kaligiis qabsado, Himilo Qaranna Doorasho ayay qabsan doontaa"
 

Sabti, January 18, 2025 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay in doorasho hal dhinac ay damacsan tahay Dowladda Soomaaliya taa uu ku tilmaamay mid xilligaan aan ka dhaqan galaynin Dalka, waxaana uu ku baaqay in wada hadal laiskaga yimaado nooca doorasho ee dalka loo jiheenayo.

Sheekh Shariif ayaa shaaca ka qaaday inay la socdaan damaca Dowladda ee ah in Doorasho hal dhinac ah ay ka qabato Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Xisbi kaligiis haduu doorasho qabsado ay Himilo Qaranna ay Doorasho qabsan doonto.

Waxa uu Sheekh Shariif markale ku celiyay in la doono Maamulada Jubaland iyo Puntland taa oo ay ku imaan karto tallo loo wada dhan yahay in Doorasho ay uga qabsoomto guud ahaan Dalka.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday nidaamka hub ka dhigista Siyaasiyiinta waxaana uu tilmaamay in Shaqsi waliba uu dano gaar ah iyo baahi gaar ah uu hubka u wato isagoo ku micneeyay in Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka lagu waardiyeenayo gawaari Qufulan ayna ciidamo Midowga Afrika ay ilaalinayaan.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo beegmaya iyadoo muran xoogan uu wali ka taagan yahay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa Sanadka soo socda inkastoo Dowladda ay ku adkeesanayso inay qabanayso doorasho Qof iyo Cod ah.