1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2025
Dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
 

Sabti, January 18, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal aroornimadii hore ee saakay ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkaan ayaa ah mid u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda beelaha Xawaadle iyo Abgaal, wuxuuna si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Calaag oo ku yaala xadka ay wadaagaan labada gobol.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo dagaalka saakay ayaa lasoo sheegaya inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee wali si rasmi ah loo xaqiijin inta uu dhan yahay khasaaraha dhabta ah, dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Calaag oo la sheegay inuu salka ku haayo murun ka dhashay dul daaqimeed halkaasi ku yaala oo labada beelood u dhaxeeya.

Xaalada deegaanka saakay lagu dagaalamay ayaa wali ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinaya inay wali is  horfadhiyaan labada  maleeshiyo, waxaana dagaalkaan dib uga dhex qarxay labadaan beelood uu kusoo aadaya, iyadoo dhowr jeer horay ugu dagaalameen labadaan beelood deegaano ku yaala xadka ay wadaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Bishii lasoo dhaafay ee Decembar 2024 ayay aheyd markii colaada u dhaxeysa beelaahaan dartood loogu dilay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka oo kasoo jeeday dhalasho ahaan beesha Xawaadle, taasoo aheyd dhacdadii ugu xumeyd ee dagaalada Sokeeye sababeen.