1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2025
Fahad Yaasiin " Xasan Sheekh Labada Orod Mid ha daayo"
 

Axad, January 19, 2025 (HOL) - Agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa qormo kooban uu ku qoray bartiisa X waxa uu ugu baaqay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu wax ka badelo siyaasadda Dowladiisa ee ka dhanka ah Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Fahad Yaasiin waxa uu qoraalkiisa ku yiri "Waxaan maqli jiray, war hebeloow labada orod mid daa! Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Axmed Madoobe la dagaalo iyo inuu la heshiiyo midna kartideeda ma lahan, marka labada orod midkood ha daayo."

Fahad Yaasiin ayaa qoraalkiisa kusoo daray in Cudurrada qaarkood hadii aan la daweyn karin loo qaato kaniiniyo si loola noolaado xanuunka.

Agaasimihii hore ee NISA iyo lataliyihii amniga Qaranka ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Fahad Yaasiin ayaa soo hadal qaaday inay jiraan Dowladdo Axmed Madoobe garab taagan kuwaasi oo dhaqaale siiya Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

"Runta kharaarka badan waxay tahay, Madoobe waxaa maanta garab siinaya saddex dowladood oo Madaxweyne Xasan Sheekh dano dhaqaale oo shakhsi ah uu ku qabo labo kamid ah,Qof baahan uma caroon karo qofka uu gacanta u hoorsado" ayuu ku yiri qoraalkiisa Fahad Yaasiin.

Ugu dambeeyn waxa uu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay in Nabad iyo colaada waxaa hadeer dhaw ay tahay in la qaato nabadda, waxa uu yiri "Dowladdii horaba markay aragtay xaalka waxay aqbashay iney xanuunka la noolaato. Ceeb waxaa ah inaad si joogto ah darbiga madaxa ugu sii garaacdo."