1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 19, 2025
Gaari hub u siday kooxda Al-shabaab oo lagu qabtay duuleedka magaalada Baledweyne
 

Axad, January 19, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka magaalada Baledweyne, gaar ahaan agagaarka deegaanka Baardheere ku qabtay gaari hub u siday kooxda Al-shabaab.

Gaariga howlgalka lagu soo qabtay oo noociisu yahay Suksuki ayaa siday hub ka kooban 13 qori oo ah noocaada Soomaalidu u taqaano Ak47, kuwaas oo lagu soo bandhigay xarunta Taliska Militariga gobolka Hiiraan.

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in laba maalin ka hor hayeen xogta gaarigan hubka lagu qabtay.

“Waxa gadaasheyda safan waa qoryo laga soo qabtay argagixisada, gaarigaan ayaa lagu siday, waana cusub yahay baabuurka iyo qoryaha saaran, mudo laba maalmood ah ayaan haynay xogta hubkan, uuna yahay hub u gudbaayo argagixisada, kadibna gacanta ayaa lagu soo dhigay” ayuu yiri Taliye Baakaay.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay inuu baxsaday darawalkii waday gaarigaan lagu qabtay hubka, islamarkaana ay la wareegeen gaariga iyo hubka uu siday.

“Gaariha iyo hubkan uu siday dowladda ayaa la wareegtay amarka lagu soo qabtay anaga ayaa bixinay, waxuuna u socday waxay ahayd argagixisada” ayuu yiri Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay.

Howlgalkaan lagu soo qabtay gaariga hubka u siday Al-shabaab ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya si rasmi loogu wareejiyay amniga guud ee magaalada Baledweyne iyo deegaanada hoosyimaada.