1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 19, 2025
Duqa Hargeysa oo Muddo 4 Saacadood ah Ka Jawaabayay Su’aalo Laga Waydiiyay Shaqadiisa
 

Axad, January 19, 2025 (HOL) - Duqa Magaalada Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa ka jawaabay su’aalo tiro badan oo ay saxaafaddu ka waydiisay tabashada ay bulshadu ka qabto waxqabadkiisa.

Duqa Hargeysa oo mucaaradad kala kulmay qaybo ka mid ah shacabka Hargeysa, kadib markii uu la saftay xisbiga Waddani oo uu kasoo baxay, ayaa sheegay inuu dhexdhexaadnimo ku dhamaysan lahaa xilkiisa haddii uu ogaan lahaa in bulshadu ku kala qaybsami doonto aragtidiisa.

"Haddii Ilaahay isii tusi lahaa in raacida aan xisbigayga raacaa ay ummaddayda kala qaybinayso, ummaddayda waan u tudhi lahaa. Ibnu’aadamku go’aanno ayay qaataan. Waxan ogahay uun in midnimadiinu igu wayn tahay," ayuu yidhi Mooge.

Bulshada magaalada Hargeysa ayaa bilihii lasoo dhaafay sugaysay in Mooge uu hor yimaado bulshada, isla markaana uu ka qanciyo su’aalaha ay ka qabaan waxqabadkiisa, iyadoo dad badani ay qabaan in aanu ka dhabayn ballanqaadyadii uu sameeyay xilligii ololaha doorashadiisa.

Maayarka oo ka jawaabay su’aalo muddo 4 saacadood ah ay warbaahintu waydiinayeen, ayaa sheegay inuu wax badan qabtay intii uu joogay, isla markaana uu codsanayo in wakhti la siiyo oo loo dulqaato si uu u dhamaystiro ballanqaadyadii uu sameeyay.

Maayarku waxa kale oo uu raaligelin ka bixiyay hadallo uu Boorama iyo Hargeysa ka sheegay xilligii doorashada, kuwaasi oo uu ku duray qaybo ka mid ah bulshada iyo shakhsiyaad, hadalladaas oo qayb ka ahaa in bulshada qaarkeed ay mucaarado.

Mooge ayaa sidoo kale indhaha bulshada soo jiitay kadib markii uu diiday inuu ka jawaabo su’aalo ay saxafiyiinta qaarkood ku waydiiyeen munaasabado kala duwan, iyadoo ciidamo la socday ay si aan habboonayn ula dhaqmeen saxafiyiinta.

Maayar Mooge ayaa intii aan la dooran u doodo jiray isla xisaabtanka, iyo in masuuliyiinta xilalka hayaa shaqadooda usoo bandhigaan bulshada, si looga fogaado wax isdabamarin iyo musuqmaasuq.