1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2025
Mustaqbalka howlgallada Milatari ee Maraykanka ee Soomaaliya oo wajahaya Mugdi
 

Khamiis, January 2, 2025 (HOL) - Howlgalka militariga Mareykanka ee Soomaaliya ayaa weli mugdi ku jira, iyadoo la filayo in maamulka cusub ee Donald Trump uu dib u qiimeeyo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya. Tallaabadan ayaa saameyn ku yeelan karta guud ahaan hawlgallada militari ee Afrika.

Maamulka Trump ayaa lagu xusuustaa go’aankii uu qaatay sanadkii 2020, kaasoo ku saabsanaa in ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya. Go’aankan wuxuu sababay in xaaladda amniga ee Soomaaliya ay sii adkaato.

Mas’uuliyiin hore oo Mareykan ah, sida J. Peter Pham, ayaa ku taliyay in dib loo eego howlgalka, maaddaama dagaalka u dhexeeya ciidamada Soomaaliya iyo kooxaha mintidiinta uu weli socdo. Pham, oo horey u ahaa ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsanaa gobolka Saaxil-ka Afrika xilligii maamulka Trump, ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay tahay mid aad khatar u ah, taasoo halis galin karta diblomaasiyiinta Mareykanka, xubnaha militariga, iyo shaqaalaha gargaarka ee ku sugan dalka.

Isagoo ka hadlayay caqabadaha jira, wuxuu xusay hoggaan la’aanta hay’adaha militariga Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka Danab ee Mareykanka uu taageero. "Ma lihin lammaane waxtar leh oo Muqdisho jooga," ayuu yiri Pham, isagoo ka digay dhibaatooyin dheeraad ah oo ka dhashay kalsooni-darro ku saabsan awoodda ciidanka Soomaaliya.

Dhanka kale, dhaleeceeyayaasha, oo uu ka mid yahay xoghayihii hore ee difaaca Mark Esper, ayaa tilmaamay waxtar la’aanta dadaallada militari ee Mareykanka ee Afrika, iyagoo ku baaqay in siyaasadaha difaaca la waafajiyo xaqiiqada dhabta ah ee gobolka.

Siyaasadda difaaca ee Donal Trump ayaa laga yaabaa inay mudnaan siin doonto gobolka Baasifiga, taas oo sii kordhin karta shakiga ku saabsan mustaqbalka hawlgallada Maraykanka ee Soomaaliya.