Hiiraan Online
1/18/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 2 , 2025
Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo waaran xarig ah u jartay Maleeshiyaadkii Ceel Baraf ku dishay askarta Dowladda
Khamiis, January 2, 2025 (HOL) - Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo 5 Garsoosare u saartay baaritaanka dilkii lix askari loogu geeystay Degmada Ceel Baraf dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ayaa soo saartay waaran lagu soo xirayo 14 qof oo ku eedeysan dilkaasi.
Garsoorayaashaan oo Degmada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe tagay maalintii xigtay kadib dilkii askartaasi ayaa sheegay in xog wareysi ay la yeesheen Saraakiishii xukumaysay askartii la dilay, Nabadoonada iyo Waxgaradka Ceel Baraf kuwaasi oo qaarkood u xiran inay wax ka qaban waayeen dhibka dhacay.
Guddiga waxa ay shaaca ka qaadeen inay u cadaatay in lix askari lagu dilay Degmada Ceel Baraf ayna dileen Maleeshiyaad baxsad ah oo horey u qaatay hubkii ciidanka Qaranka oo ay ugu dambeyn Maxkamada ay u jartay warqad amar soo qabasho ah.
Guddiga ayaa baaritaankooda waxey ku shaaciyeen magacyada askartii dil wadareedka loogu gaystay Degmada Ceel Baraf waxaana ay kala yihiin:- 1-X dable Xooga Cabdikafi Cali Cabdulle, 2-X Dable Xooga Bile Xasan Cabdulle Sabriye, 3-X Dable Xooga Cabdi Cabdullahi Adan, 4- X Dable Xooga Farxaan Xasan Cali Cadow, 5-X Dable Xooga Abshir Xuseen Jimcaale, 6-X Dable Xooga Muxiyidiin Cabdulle Wehliye.
Xeer ilaaliye Dhame Cabdicasiis Cusmaan Faarax ayaa warbaahinta u soo bandhigay baaritaanka ay sameeyeen Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in Talisyada kala duwan ee Booliska iyo Nabad Sugida ee Hirshabeelle inay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglayaasha askarta Qaranka dil wadareedka ugu geeystay Degmada Ceel Baraf, si lamid ah Taliska qeybta 27aad ee Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa la faray inay soo qabtaan eedeesanayaasha dilka geeystay waxaana maamulka Hirshabeelle laga codsaday inay laamaha amaanka kala shaqeeyaan soo qabashada dambiilayaasha.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in qadiyada dilka askartaasi ay tahay mid ciqaabteedi ay mari doonaan kuwii falkaasi geeystay oo aysan howshaasi u oolin dadka degaanka, qoys ama qabiil.