1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2025
Somaliland oo Sheegtay in ay Kor u Qaadayso Xidhiidhadeeda Itoobiya iyo Jabuuti
 

Isniin, January 20, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay horumarin doonto xidhiidhka ay la leedahay dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay saaxiib soo jireen ah oo aan looga maarmayn iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo xidhiidhka Somaliland iyo waddamada Afrika.

"Waxa aan xusayaa Itoobiya oo ah saaxiib soo jireen ah iyo jaar aynaan uga maarmayn horumarka dhaqaalaha, adkaynta amniga, xasiloonideenna bulsho iyo xidhiidhkeenna Afrika," ayuu yidhi Cirro. "Waajib bay nagu tahay in aannu xidhiidhkaas sii wanaajinno, faa’iidada uu u leeyahay labadeenna qaranna aanu halka ugu sarraysa gaadhsiinno."

Cirro ayaa sidoo kale sheegay in uu ka shaqayn doono wanaajinta xidhiidhka kala dhexeeya dowlada Jabuuti, oo ay xurgufi ka dhaxaysay Somaliland sannadkii u dambeeyay, iyo dowlada Maraykanka.

"Waxa aynu sidoo kale sii adkayn doonaa xidhiidhkeenna dowlada Jabuuti iyo Maraykanka oo ku jira dalalka sida gaar ka ah Somaliland u danaynaya," ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Cirro.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa sannad ka hor wada saxeexday heshiis isfahan oo Itoobiya ay Badda Gacanka Cadmed kaga helayso saldhig ciidan, isla markaana Somaliland ay aqoonsi kaga helayso Itoobiya.

Heshiiska oo dowlada Jabuuti lafteedu ay u aragtay halis dhaqaale, ayaan ilaa hadda hirgalin, isla markaana heshiiskii ay Ankara ku gaadheen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa la rumaysan yahay in uu meesha ka saaray isfahankii Itoobiya iyo Somaliland.