Hiiraan Online
1/24/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2025
Ku dhawaad 100 Falastiniyiin ah oo laga sii daayay Xabsiyada Israa'iil oo gaaray magaalada Ramalah
Isniin, January 20, 2025 (HOL) - Ilaa 90 ruux oo Falastiiniyiin ah oo laga sii daayay Xabsiyada Israa'iil ayaa dib ula midoobay qoysaskooda, kadib markuu si rasmi ah u dhaqan galay heshiiskii xabad joojinta Gaza.
90-ka qof ee Falastiiniyiinta ah ee laga sii daayay xabsiyada ayay Israa’iil ku badelatay 3 qof oo ka mid ah dadkii Xamaas ay ku haysatay marinka Gaza, kuwaas oo ayaguna saacado ka hor gaaray gudaha dalka Israa’iil.
Kala gudbinta maxaabiistan ay is dhaafsadeen Xamaas iyo Israa'iil ayaa waxaa ka shaqeynaya hay’adda Laanqayrta Cas, waxaana sidoo kale la filaya in saacadaha soo socda labada dhinac maxaabiis kale is dhaafansan doonaan.
Falastiiniyiinta xabsiyada Israa'iil laga soo daayay ayaa intooda badan gaaray magaalada Ramallah, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay kumanaan qof oo reer Falastiin ah.
Is dhaafsiga maxaabiistaan Israa'iil iyo Xamaas ayaa imaaneysa kadib markii heshiis xabad joojin ah wada gaareen labada dhinac oo mudo 15 bilood uu u dhaxeeyay dagaalo sababay dhimashada ku dhawaad 50 kun oo Falastiiniyiin ah iyo dhaawaca in ka badan 110 kun oo reer Falastiin ah ah tan iyo markii uu bilaawday dagaalka oo aheyd 7-dii bishii Oktoobar ee sanadkii 2023-kii.