1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2025
Culimada Puntland oo ku dhaliilay maamulka Puntland inuu dayacay dagaalka Shabaab iyo Daacish
 

Isniin, January 20, 2025 (HOL) - Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, oo ka mid ah culimada waaweyn ee Puntland iyo xubnaha sare ee jameecada Ictisaam, ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in ay dayaceen dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Hadalkan ayuu jeediyay isagoo ka jawaabayay dhaleecayn uga timid masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, kuwaas oo culimada ku dhaliilay in ay ka aamuseen dagaalka Daacish.

Sheekhu wuxuu sheegay in muddo dheer la daawanayay Shabaab iyo Daacish inay si tartiib ah awood ugu yeeshaan gudaha Puntland, taasoo uu ku sababeeyay in maamulka uu ka mashquulay dagaalkaas iyadoo loo jeestay arrimo siyaasadeed iyo dano gaar ah.

Sheekh Maxamuud ayaa xusay in culimada ay muddo 20 sano ah dagaal ku jiraan Al-Shabaab, ayna ku waayeen culimo badan, oo ay ka mid yihiin Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax oo lagu dilay Garoowe 2013-kii iyo Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo lagu dilay Boosaaso 2011-kii.

Sheekhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay siyaasiyiinta dhaliilay culimada inay yihiin kuwii xabsiyada ka sii daayay dadkii ka dambeeyay dilalka culimada Puntland loogu geystay.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay wada hadal dhab ah iyo in wax laga qabto dhibaatooyin badan oo ka jira Puntland, sida muqaadaraadka iyo qulqulka qaxootiga ka imaanaya dalka Itoobiya